“Guushu marnaba ma aha wax iska imaada ee waa natiijada wada shaqeyn dhab ah” Mr. Hassan

Shaqaalahena iyo macaamisheena qaaliga ah Anigoo ku hadlaaya magaca maalulaha guud e shirkada HUDA STATIOERY waxan jeclahay inan umahadceliyo shaqalaheena aadka u fiican, macaamisheena iyo dadka an kaso alaab qaadano. Dhamantiina waxad nagu caawinteen inan kor usocono oo an noqono shirkad weyn oo bixisa adeegyada xafiisyada o dhan taaso leh shaqaalo badan o tayo iyo xirfad leh u go ayna shaqadooda. Fahamka macaamishena iyo waxa ay doonayan si ay u qancaan waa hadafkeena joogtada ah e guusha mustaqbalka. Waxan balaarinay badeecadahena iyo adeegyadeyna si ad hal meel uga adeegatan bahidiina xafiised. HUDA STATIONERY waxay idinka mahadcelineysaa caawinadina joogtada ah iyo dhiirogelintisa taaso nagu dhalisey inan hore u socona anago xambaarsan riyadeena. Hadafkeena waa mustaqbalka ifaaya ee wadankeena iyo inan u dhabar adeegno inan gaarno hadafkaas. Heerka ay hada joogto HUDA STATIONERY waxay kutimid wada shaqeynta kumanaan gacmo si loo dhiso shirkadan taaso u shaqeyneysa hormurka wadanka. Adeegyada xafiiseed ee an heyno waxa kamid ah nuucyada kala duwan ee daabacaada, qalab xafiiyeedyada kala duwan. Bixinta qalabyada kala duwan ee aladaha tiknoolojiyada iyo adeegyadoda, qalabyada waxbarashada, xayiisinta gudaha iyo mida banaanada iyo hadiyada qaaska ee shaqsiyadeed. Xaqiijinta bixinta adeeq tayo leh o la awoodi karo waxay nagaarsiisey in nagala aqoonsado meel badan o fagaaraha aduunka ah iyo macaamisheenaba islamarkaan nala gudoonsiyo shahaadoyin caalami ah. HUDA STATIONERY waxay aaminsantahay in isbedelku yahay mid aan joogsi laheyn. Qiimaheena shirkada ma aha mid kaliya nagarsiinaya hadafkeena ee waxa kale u keenay in macaamishena na aaminan. Masameyneyno kaliya badeecadaha iyo adeegyada ugu fiican aduunka ee waxa kale o an dhiseynaa xiriir qoto dheer o an layeelano macaamiisheena an dhamaadka laheyn. Waqtigan xiisada leh waxan jeclahay inan mar labaad ugu mahadceliyo dhamaan saamileydeena ganacsiga wada shaqeyntooda. Ugo ida iyo ka dhabeynta shaqa adag e an heyno, baahida an u qabno inan wax cusub so saarno iyo himilada ah inan noqono shirkada ugu fiican, mustaqbalka anaga aya leh.

Mahadsanidiin

Mr. Hassan ……………………………………

Maamulaha Guud ee Shirkadada